Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Muqdisho (Sawirro)

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib Safar shaqo oo uu Labo maalin dalka Kenya ugu maqnaa.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirkii hore ee arimaha gudaha Xil.Cabdiraxmaan Odawaa, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi, Xubno ka tirsan beesha caalamka Iyo qaar ka mid ah Wasiirada Iyo xildhibaanada Galmudug.

Xaaf ayaa arimaha wadahadalada Ahlu sunna u tagay Nairobi, waxaana la filayaa in 27 bishan ay si rasmi ah uga furmaan Dalka Jabuuti, sidoo kale Xaaf ayaa Muqdisho u jooga dhameynta khilaafka Madaxda Galmudug. Dhanka Masuuliyiinta Galmudug ayaa intoo badan ku sugan Muqdisho, waxaana haawanaya xarunta Madaxtooyada Cadaado.