Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo goordhow ka dagaya Muqdisho

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saaka ku soo jeeda magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ah mid rasmi ah, iyadoo Calamada Itoobiya iyo Soomaaliya la suray wadada Maka Al-Mukarama. Ciidamada sida gaar ka ah u tabarbaran ayaa lagu arkayaa meelaha qaar. Waana Booqashadii ugu horeysay ee Mr. Abiy ku yimaado Soomaaliya.

Waxaa saacado la hakiyay dhamaan duulimaadyadii saaka imaan lahaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho, sababo la xiriira booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo diyaarad sida ay goor dhow soo caga dhigan doonto Garoonka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore Itoobiya ee is casilay ee Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa saddex jeer booqasho ku yimid Muqdisho, labo ka mid waxay ahaayeen caleema saarka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh sanadkii 2012, Caleema saarkii Madaxweyne Farmaajo 2017 iyo shir madaxeedkii IGAD ee ka dhacay Muqdisho 2016.

Ra’iisul Wasaarihii hore geeriyooday ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa bishii June ee sanadkii 2007-dii booqasho ku yimid Muqdisho, xilligii Ciidamadii Itoobiya ay ku sugnaayeen Muqdisho, kaddib markii ay xukunka ka tuureen Maxkamadihii islaamka, wuxuu ahaa Mas’uulkii u horeeyay oo Itoobiyaan soo booqda Soomaaliya, tan iyo dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii April, waxaa uu booqasho ku tagay dalalka deriska la ah Itoobiya sida Jabuuti, Sudan, Kenya, Uganda. Booqashada uu ku imaanayo magaalada Muqdisho ayaa noqon doonta lugtii u dambeysay safarkiisa dalalka deriska