Puntland oo joojisay Shidaalka u gudbaya Somaliland

Wararka Maanta

Guddiga Difaaca Puntland ayaa soo saaray amaro ku aadan isu socodka gaadiidka iyo dadka ee isaga kala goosha Garowe iyo Laascaanood.
Gaadiidka booyadaha ee shidaalka sida ee ka imaanaya dhanka Garowe ayaa la faray in aanay soo dhaafi karin Koontaroolada.

Sidoo kale waxaa la amray in aanay shacabka la aadi karin gaadiidka yar yar iyo kuwa waa weyn goobaha difaaca ee aagaga dagaal.

Gaadiidka ka imaanaya Laascaanood iyo Garowe ayaa sidoo kale la amray in baaritaan lagu sameeyo.

Amaradan ayaa daba socda xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq, kaasoo saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala gooshayay labada dhinac.