Home > Wararka Maanta > Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Goordhow ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir,kuwaasi oo ahaa Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ah.

Dad goobjoogayaal ah  ayaa u sheegay in Jugta qaraxyda siweyn looga maqlay Xaafado ka tirsan degmdaas iyo goobo kale.

Sidoo kale waxaa lagu waramayaa inuu qaraxyada ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan,waxaana ku dhaawacmay saddex ruux,isla markaana waxaa loola cararay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ugu horeeyay ayaa waxaa uu ku dhacay wadada aada xarunta Maamulka degmada Deyniile,waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmadaas oo haatan halkaas ka wada baaritaano.

Isha: Dalsan Radio

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!