Maydka Wiil dhalinyaro ah oo lagu arkay duleedka Muqdisho

Wararka Maanta

Wararka aan ka helayno deegaanka Sarkuusta ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in  halkaasi lagu arkay maydka nin dhalinyaro ah oo la garan waayay.

Ninka dhalinyarada ah ayaa da’diisa waxa ay u dhaxeysaa 20 illaa 30 jir, waxaana lagu dilay Xarig & iyadoo wajiga looga xiray cimaamad.

Lama garanaayo cida ka dambeysa dilkaan  loo gaystay wiilka dhalinyarada, dadka deegaanka ayaa sheegay inay garan waayeen maydka marxuumka ee halkaasi yaalla.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta ayaa lagu wadaa inay halkaasi ka qaadaan maydka marxuumka xariga lagu ceejiyay, kadibna wajiga cimaamada looga xiray ee halkaasi lagu arkay.

Masuuliyiinta maamulka deegaanka garasbaaley ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cida ka dambeysay dilkaasi loo gaystay wiilka dhalinyarada ah.