Paulinho Oo Ku Laabtay Kooxdiisii Hore

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Paulinho ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Guangzhou Evergrande heshiis hal xilli ciyaareed ah.

29 jirkaan ayaa kaliya u dhaqaaqay Camp Nou xagaagii lasoo dhaafay isagoo ka soo tagay kooxda Guangzhou, waxaana uu ku faraxsan yahay xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ee Spain, kaliya Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa inta badan udhaliyay kooxda heysata horyaalka La Liga.

Si kastaba ha ahaatee, haatan wuxuu ku soo laabtay horyaalka Super League bilowgii xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee heshiis amaah ah ka dib markii loo soo bandhigay fursad uu ku soo laaban karo kooxda.

Ciyaaryahanka reer Brazil, oo xulkiisa qarankiisa u matalay Koobka Adduunka, ayaa horey labo sano ugu soo ciyaaray Guangzhou laga soo bilaabo 2015 ilaa 2017 isagoo markii hore u ciyaari jiray kooxda Tottenham Hotspur.

Paulinho ayaa dhaliyay 28 gool 95 kulan oo uu u saftay kooxda reer China, halka xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Barcelona uu shabaqa soo taabtay sagaal jeer 49 kulan oo uu saftay.

Heshiiska amaahda ayaa la fahamsan yahay inuu ku jiro doorasho ah inay ku iibsan karto dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida lagu soo waramayo ku dhowaad 44 milyan ginni