Alshabaab oo dib uga laabtay deegaanadii ay qabsadeen Koofurta Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidanka Alshabaab oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaano ka tirsan koofurta gobolka Mudug ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanka Caad oo ay horey fadhiisin ugu ahaa.

Alshabaab ayaa dhibaato badan ka geystay tuulooyinka Waable, Bilsan iyo Baraag Farey, iyagoo gubay guryihii, beerihii, iyo Bekadihii biyaha. Waxaana dadkii ku laabtay deeganadaas galabtay ay sheegeen in ay halkaas ka heleen meydka 4 nin oo dadka deegaanka ah.

Ragga Meydookooda la helay ayaa Alshabaab ku rideen Barkado, sidoo kale Barkadaha qaar ayey Alshabaab ku shubeen digir, taas oo badashay dhandhankii biyaha, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa in ay Shabaabku sumeeyeen berkada biyaha.

Kumanaan qoys oo  ka barakacay ayaa gaaray Caad, Ceelhuur, Baraag farey, waable, Bilsan iyo Qararow ayaa gaaray Magaalooyinka Hobyo, wisil, Camaara iyo Cadaado. waxaana sidoo kale qoysaska qaar ku barakaceen baadiyaha u dhaxeeya Ceelhuur iyo Hobyo, halkaas oo laga soo sheegayo dhibaato badan oo heysata dadkaas. Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaanan wax gurmad ah u fidin dadka ka barakacay deegaanadaas.