Home » Ciyaaraha » Paul Pogba Oo Baaritaan Caafimaad Maraya Maanta Date :September 13, 2017 Author :Hafsa Haji

Paul Pogba Oo Baaritaan Caafimaad Maraya Maanta

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaad uu maro  maanta ka dib markii lagu qasbay inuu xilli hore isaga baxo kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Basel ee xalay.

24 jirkaan ayaa garoonka ku jiray 19 daqiiqo oo kaliya ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa, islamarkaana uu ka soo tagay Old Trafford.

Isagoo la hadlayay MUTV xalayto, tababaraha United Jose Mourinho ayaa yiri: “Ma garanayo inuu daran yahay waan ogahay waa dhaawac muruqa ah.

“Qibradeyda, dhaawaca muruqa wuxuu kaa joojinayaa in aad ciyaarto dhoowr isbuucyo, waxaan u maleynayaa,  sida dhaawac muruqa lakiin weli la hadlin waaxda caafimaadka.

“Kooxaha waa isku mid, kuwa waa dhaawacyo , kuwana waa ina ganaaxaan, ma u dhutinayno dhaawacyo, sidaas darteed hadii aanan haysan Paul axada, waxaan heysanaa Ander Herrera, waxaan heysanaa [Michael Carrick], waxaan heysanaa [Marouane] Fellaini waxaan heysanaa [Nemanja] Matic. ”

Wiilasha macalin  Mourinho ayaa ku soo dhaweynaya Everton garoonka Old Trafford kulankooda axada.

W/Q Hafsa haji

20 total views, 2 views today