Nin Xaaskiisa dilay oo gacanta lagu soo dhigay

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Nin Xalay Xaaskiisa ku dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Ninkaasi oo Ciidamada Booliska ee Magaalada Baladweyne, ay gacanta ku soo dhigeen.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Shukri Indhacad ayaa ka mid ah aheyd Ganacsata Jaadka (Qaadka) ku Iibisa gudahaMagaalada Baladweyne.

Haweeneyda la dilay iyo Seygeeda ayaa wararka qaar waxa ay shegayaan in maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhaxeeyay Khilaaf Xooggan,iyadoona xalay la sheegay in ku dhuftay Toorey,isla markaana dhaawac Culus oo soo gaaray dartiis ay u geeritootay.

Howlgal ay sameyeen Ciidamada Booliska ee Magaalada Baladweyne,ayaa dadaal dheer kadib ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan Gacan ku dhiiglihii dilay Xaaskiisa, kaasi oo la sheegay inuu isku dayay inuu Magaalada ka baxsado.