Nin ka tirsanaa Alshabaab oo gacanta lagu dhigay

Wararka Maanta

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Jubbada hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay soo qabashada sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab kaddib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Jubbada hoose ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen sarkaalkan oo mudo ku dhan 10 snao ka bar bar dagaalamayay Al-shabaab.

Ibraahim Lujeende Maxamed ayaa qeyb ka ahaa weerarro dhowr ah oo ay Al-shabaab ku qadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland, iyo AMISOM, gaar ahaan weerarkii ugu danbeeeyay oo ay xoogag ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ku qaadeen deegaanka fariisin ciidamada Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Ma jiro wali dhinacooda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-shabaab marka laga soo tago sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo ay ka dagaalamaan xoogagga Al-shabaab waana deegaannada inta badan lagu soo bandhigo xubnaha ka tirsan Al-shabaab qaarkood iskood isku soo dhiiba, halka kuwa kalana lagu qabto howlgalo ay wada jir u fuliyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.