Neymar Oo Ka Dalbaday Paris Saint-Germain Inay Iibiso Edinson Cavani

Ciyaaraha

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Neymar ayaa dalbaday in kooxda ay iska iibiso Edinson Cavani ka dib markii ay isku dhaceen dhamaadka Isbuucaan.

Labada nin ayaa la arkay iyagoo ku murmaya garoonka, waxa ayna ku doodeen qofka qaadan lahaa rigoorada loo dhigay  intii ay ku guda jireen kulankii 2-0 kaga badiyeen Lyon habeenkii Axada, iyadoo Cavani uu ku guulaystay ugu danbeyn inuu tuuro laakiin shabaqa kuma hubsan.

Sida laga soo xigtay warar kala duwan, weeraryahanada ayaa markaa ay imaadeen qolka labiska ciyaartoyda uu miba midka kale ka aamusnaa.

Inkastoo Cavani uu ku adkeysanayo inuusan wax dhibaato ah u qabin ciyaaryahanka reer Brazil, sida uu daabacay wargayska Sport ayaa sheegeysa in Neymar uu u sheegay madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi  “wada shaqeynta Cavani ay tahay mid aan macquul aheyn”.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Neymar oo  200 milyan oo ginni ay ka soo iibsatay Barcelona – uu Al-Khelaifi weydiistay inuu haatan iska iibiyo 30 jirkaan kaasoo jooga Parc des Princes muddo ka badan afar sano.

Neymar ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dhacdadaan, inkastoo la sheegay inuu iska saaray Instagramka Cavani markii dhacay arintaas.

W/Q Hafsa haji