Natiijada: Doorashada ka dhacday Kismaayo

Wararka Maanta

Magaalada Kismaayo maanta waxaa dib uga bilowday Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Doorashadan maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa lagu doortay Hal kursi oo keliya, waxaana ku soo baxay xildhibaan Cali Cismaan Xirsi (Cali Jowhar).

Ergada ku sugan Magaalada kismaayo ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.

Magaalada Kismaayo ayaa ilaa iyo hada waxaa lagu doortay 40 xildhibaan, waxana harsan ilaa Saddex Mudane oo keliya.

Comments are closed.