Nabaddoon iyo Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya degmada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Cali Shire ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Kooxo hubeysan ay ku dileen nin nabaddoon ah. Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Geeddi Jimcaale.

Koox dhalinyaro ah oo la sheegay in ay wateen Bastoolado ayaa beegsaday Nabadooonka xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo halkasi ku yaalla. kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa maanta degmada Xamarweyne  si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa garaab ahaan goobta looga qaaday, iyada oo la dhigay Isbitaalka mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka. Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Askarigii dilka geystay, waxaana ay dhigeen xabsiga.