Musharraxii Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la dilay : W/Q:Cumar Seerbiya

Wararka Maanta

FB_IMG_1493288214079

Musharraxii Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la dilay :
Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Cabdiraxmaan Aadan Faysal oo labadii sanno ee u dambeeyey u sharaxnaa xilka wasiirka amniga Soomaaliya ayaa la dilay xilli aanu wadanin wax ilaalo ah waxaana isaga oo aan is difaacin lagu dilay hub ay yartahay in loo adeegsado qof la dilaayo kaasi oo ugu dambayntii noloshiisa galaaftay.

Cabdiraxmaan hore ayuu sheegay inuu wasiirka amniga uu u sharaxanyahay isaga oo aamisanaa in uu wax ka qaban karo dhibaatada ka jirta Soomaaliya oo uu tahriibka dhallinyaradu ka mid tahay , markii uu ololihiisa bilaabayey wuxuu astaan ka dhigtay “Tahriibku waa geeri qarsoon” isaga oo arrintaasina go’aansaday ka dib markii ay dhallinyaro badan oo ay ka mid ahayd walaashii ka wenayd da’aan ay safari khatar badan leh u galeen dalal kala duwan .
Isagu ilaa dhalashadiisii wuxuu maalinle u arkaayey badda balse wuxuu uga faa’idaysan jiray inuu ku dalxiiso kuna dabaasho halka uu sidoo kale arki jiray boqola al qof oo safar u soo galay inay ka sii tahriibaan meesha uu ku noolyahay .

Musharax Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa 16 sanno jir labadii sanno ee u dambeeyey dedaal ugu jiray qabashada xilka wasiirka amniga Soomaaliya astaamihiisa waxa ka mid ahaa in aanu lahayn wax ilaalo ah oo ka difaacda dhibkasta oo soo gaadhi karta waana sababta todobaadkan uu si fudud ugu geeriyooday dhaawac ay madaxa ay uga gaysteen ciyaal xaafadeed aan u aqoonsanayn inuu yahay wasiirka amniga .

Geerida Cabdiraxmaan oo ay ka sheekaysay Hooyadii Koos Cabdi waxay sheegtay inay ka murugaysantahay dhimashada Cabdiraxmaan oo dabcan ahaa musharax ay dad badani siyaasadiisa soo dhaweeyeen ka dib markii uu ku soo bandhigay waraysi xeebta Bosaaso lagaga qaaday sannadkii 2015 oo uu ku shaacinayey musharaxnimadiisa .

Musharax Cabdiraxmaan oo sidoo kale dadka qaar u garan ogyihiin “Tahriibku waa Geeri Qarsoon” fasalka sideedaana ka dhiganayey dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Bosaaso lama oga sababta rasmiga ah ee ilaa hadda ciyaal-xaafadku u dileen balse waxa xaqiiq ah in siyaasi fikir tolmoon lahaa uu ka baxay Soomaalida
Alle ha u naxariisto musharaxii wasiirka amniga Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Faysal