Muqdisho:Xoolo Goowracan oo Lagu Daadiyay Degmooyinka Qaar(Sawiirro)

Wararka Maanta

Dadka Ku Nool qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa saakay ku waabariistay Min dhowr neef oo goowracan oo horyaala guryahooda taasi oo yaab iyo amankaak ku noqotay.

Ido Gowracan oo aad moodo in ay isku da’yihiin ayaa la daadiyay xalay saqdii dhexe sida la qiyaasaayo maadaama aan la ogeeyn goorta lasoo dhigay

Degmooyinka Hodon,howlwadaag,wardhiigleey,boondheere .Shibis, iyo kaaraan ayaa lagu waramayaa in lagu daadiyay xoolahaasi la qur gooyay

Dadku waxaa ay la yaaban yihiin arintaan oo ayna wali arkin waxeeyna tani sababtay shaki weeyn oo ka dhashay iyadoo ayna jirin ilaa hada shaqsi u dhawaada cabsi laga muujinaayo awgeed.

Falkaan lama oga cida ka dambeeysa waxaana suuragal in ay ka hadlaan Maamulada degmooyinka lagu arkay Idaha la goowracay

Hoos ka Daawo (Sawirrada)