Waa kuma Siyaasiga kale ee Xarigga loo diyaariyay?

Uncategorized Wararka Maanta

Kadib Xariga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo Maalintii sadexaad Xabsi ku jira Dowladda Somalia ayaa Qorshaynaysa in ay Siyaasi kale Mar siiso Wadadii C/C/Warsame.waxuuna ruuxaasi noqon karaa midkamida Shaqsiyaadka  ka ag dhow Siyaasiga xiran. Xog hoose oo ay heshay Shabakadda Ceelhuuronline ayaa sheegaysa la diyaariyay Waraaqdii lagu soo xiri lahaa Ray’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u Cambaareeyay Xarigga Wasiirkiisii hore ee Qorshaynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxuuna sheegay in ninkaan Lagu xiray oo kaliya inuu kasoo horjeedo Siyaasadda Xukuumadda hada jirta taaso  oo uu hoosta ka Xariiqay inuu Cumar latiisu ku Aragti yahay Siyaasiga Xiran uuna kasoo horjeedo Dowladda.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in uu C/raxmaan saaxiib dhow la yahay wax badana isla shaqeeyeen asagoo sheeegay in uu xiligaan taageersan yahay arimaha uu Muqdisho ka wado ee ah in uu diidan yahay qaabka ay wax u maamulayaan Madaxda xiligan

Mr:Sharma’arke ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Dalka Imaaraadka waxaana lagu sheegaa inuu yahay ninka Imaaraadka wakiilka uga  ah lacagaha la doonayo in lagu meel mariyo Mooshinka lala damacsan yahay in xilka looga qaado Madaxwayne Farmaajo halka uu asna Muqdisho Wakiil uga sii yahay Siyaasiga xiran ee C/raxmaan C/Shakuur. Cumar ayaan dafirin jiritaanka in Imaaraadku lacagaha ku bixinayo Duminta Dowladda Somalia waxuusa sheegay in Madaxda Dalka looga baahan yahay inay Imaaraadka toos ugala hadlaan arimahaaas.

Dowladda Somalia oo labadaan nin iyo Xildhibaano kale u aragta inay duulaan cad ku soo qaadeen ayaa doonaysa Sharma’arke-na mar siiso Wadadii Saaxiibkii .balse arinta Cumar ayaa waxaa adkayna labo arimood. tan koobaad oo ah inuu yahay Mudane ka tirsan Aqalka sare oo uu lee yahay Xasaanad Xildhibaan iyo inuu yahay in aan Wadanka jooogin oo ku sugan Imaaraadka.waxaase Cumar lala sugayaa inuu ku soo laabto Dalka ayadoo ay Macquul tahay in Xarigiisa loo maro Wadadii Saaxiibkiis Madaama ay Adag tahay in marka hore Xasaanadda Xildhaanimo laga qaado ama ayba waqti dheer qaadanayso.

Hay’adda Nabad-sugidda ayaa wararku sheegay inay Diyaarisay Qorshihii lagu xiri lahaa Cumar Cabdirashiid waxayna xarigiisa ku sii dhiiran karaan hadii la helo Caymo Rasmi ah oo ku aadan danbiga loo haysto C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo xeerilaalintu sheegtay inay keenayaan sacadaha soo aadan hadiise lawaayo Cadaymahaas Xariga Sharma’arke ayaan ahayn mid lagu dag dagi karo.