Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay askari maalma kahor nin daraw ah dilay

Wararka Maanta

Ciidamada Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askari labo maalin ka hor nin darawal ahaa ku dilay magaalada Muqdisho.

Askarigan oo baxsad ahaa ayaa lagu qabtay degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigley, iyadoo lagu wareejiyay Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in askarigan la soo qabtay, laguna wareejiyay maxkamadda Ciidamada.

Askarigan ayaa labo maalin ka hor agagaarka Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan ku dilay wiil dhalinyaro oo darawal ka ahaa gaari xamuul ah, kaddib markii ay murmeen.

Askarta ayaa inta badan waxay si bareer u dilaan darawalada gaadiidka noocyadiisa kala duwan, haba ugu badnaadaan darawalada mooyo bajaajta.