Muqdisho: Qarax lala eegtay Masuul ka tirsan Dowladda

Wararka Maanta

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir  gaar ahaan agagaarka Isgoyska Miranaayo, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqonta oo uu la socday Maareeyaha Dekadda weyn ee Muqdisho Axmed Waashitoon.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay in qaraxas uu qeyb kamid ah qabsaday gaariga Maareeyaha, hayeeshee Axmed isaga uu ka badbaaday, balse Khasaaro kale uu ka dhashay.

Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Maareeyaha Dekadda weyn ee Muqdisho ayaa ku dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa, isla markaana waxaa loola cararay xarun Caafimaad oo ku taalla Caasimadda, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa tegay halkaas, iyagoona hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda iyo Maareeya Dekadda weyn ee Muqdisho Axmed Waashitoon oo ku aadan qaraxaas uu ka badbaaday, wuxuuna kusoo aadayaa, iyadoo xalay qarax khasaaro geystay uu ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ahaa mid Is-miidaamin ah kaas oo ay ku nafwaayeen 7 ruux.

Xigasho: Dalsan Radio