Muqdisho: Alshabaab oo Weeraro ku qaaday Hotelo iyo Isbitaal

Wararka Maanta

Gawaari wax yaalaha qarxa laga soo buixiyay ayaa ku qarxay labo  hotel oo ku yaalo magaalada Mogadishu. Weerarradan ayay Al-shabaab ku qaadeen  Hoteellada Weheliye iyo Siyaad.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay weerarradaas ku dishay 12-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ahaa kuwii soo Qaaday Weerarrada labadaan Hoteel lala beegsaday, iyadoo labada hoteel ay ku yaallaan goobo muhiim ah.

Hoteel Siyaad ayaa ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, halka Hoteelka kale ee Weheliye uu isna ku yaallo Waddada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama Taasoo ay si aad ah ilaalo uga hayaan Ciidammo ka tirsan kuwa Amniga dowladda Somalia iyo Booliiska AMISOM.

Al-shabaab ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarrada Hoteelladan oo ka mid ah kuwo ay deggen yihiin xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia iyo weliba mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xaaladda Hoteelladan ayaa caawa ahayd mid degen, inkastoo ay ka muuqdaan burburkii ka soo gaaray weerarradii ay Al-shabaab ku qaadeen Xalay, waxaana Weerarradan ku dhintay dad shacab ah oo ka badan 10 qofood, inkastoo ay kordhi karto tirada khaasaraha weeradadan. .

Dhanka kale niman hubeysan ayaa weerar ku qaaday isbitaalka Ummah waxaana lagu soo waramayaa in labo katirsan ilaalada isbitaalka ay ku dhawacmeen iyadu hal ka mid ah Al-Shabab meeshaas lagu dilay.
Isbitaalkan ayaa lagu daaweynayay dadkii kusoo dhaawacmay qaraxa hotelada.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com

isha wararka xaqiiqda ah.