Meydka ruux dhalinyaro ah oo lagu arkay Muqdisho

Wararka Maanta

Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa Saaka lagu arkay Wadada Makah Al-Mukaramah ee Muqdisho gaar ahaan luuqa Hotelka Kuwait Plaza Degmada Waaberi.

Ciidanka Booliska ayaa saakay halkaasi ka qaaday meydka wiilkaan dhalinyaradda ah, waxaana loo qaaday xarunta dambi baarista ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dadka goobaha Ganacsiyadda ku leh goobta ayaa sheegay in wiilkaan korkiisa aysan ka muuqan wax dhaawacyo ah,islamarkaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda Karaabadda Isticmaasha ee ku sugan halkaasi.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in wiilkaan ay dishay Koronto xilli uu ku howlanaa ka furashadda qalabka ku rakiban Baalayaasha Midkood.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo Ciidanka Booliska oo ku aadan Meydkaan wiilkaan laga helay Muqdisho.