MD Xaaf iyo Sh. Shaakir oo si diiran loogu soo dhaweeyey Baydhabo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo Xarunta kumeelgaarka ah Dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey wafdi ka socda dowlad goboleedka Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdi Wali Gaas.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, Saadaq Sheekh Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

Wafdigan ayaa ka qeybgali doona shirka saacadaha soo socda ka furmi doona Magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadli doono Amniga Qaranka, Dhameystirka Dastuurka iyo Qeybsiga Kheyraadka.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin ayaanan ka qeybgalin safarada Madaxweyne Xaaf, waxaana ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen in lagu soo rogay amar ah inuusan ka bixi karin Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Xaaf iyo Ururka Ahlu Sunna ayaa lagu yaqaan in caburiyaan dadka ka fikir duwan, waa tan keentay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal ay u tagi waayeen Magaalada Dusmareeb.