Sida uu boggiisa gaarka ah ku qoray wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saaka ka dagay garoonka diyaaradaha Asmara caasimadda Eritrea. wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo Masuuliyiin kale.
Somalia's President Mohamed A. Mohamed arrived in Asmara for a working visit in early morning hours today. Pre. Mohamed, who was accompanied by the Minister of Education & other senior officials, was accorded warm welcome by Pre. Isaias on arrival at Asmara International Airport pic.twitter.com/zX8Vwulqh0
— Yemane G. Meskel (@hawelti) April 24, 2019
Wafdigan ayaa kasoo duulay dalka Masar oo ay uga qeyb galayeen shir looga hadlayey xaaladda dalka Suudaan, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka Diyaaradah Asmara waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Lama shaacin qorshaha safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagay Asmara, dalka bariga Afrika ayaa waxaa ka socday dadaal ay hormuud ka tahay dowladda itoobiya, taas oo ay gadaal ka riixayaan dalalka imaaraatka iyo sucuudiga.
itoobiya ayaa dhawaan bilowday dhismaha ciidanka Badda, kaas oo ay sheegeen inuu saldhiga ka sameysan doono Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, arintaas oo walaac ay ka muujiyeen aqoon yahanka Soomaaliya.