Maxuu Xassan Shiikh ka yiri Shirka Amniga Qaranka?

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa kaga hadlay shirka Somali Partnership Forum oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan ayaa ka sheegay inuu rajeeynayo inay guulo iyo in ay ka soo baxaan go’aanno saldhig u noqda xallinta mushkiladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha ee ka taagan Soomaaliya.

“Madasha “Somali Partnership Forum” oo maanta ka furantay magaalada Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul iyo iney ka soo baxaan go’aanno saldhig u noqda xallinta mushkiladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha ee maanta uu dalkeennu la daalaa dhacayo.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaweynihii hore Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Madaxda  iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ku tashtaan xoogga iyo xoolaha Soomaaliyeed iyadoo la kaashanayo beesha caalamka.

“Waxaan ku baraarujinayaa madaxda Soomaaliyeed iyo shacab-weynahaba biyo sacabbadaadaa looga dhergaa ee ku tashada “Xooggiina iyo Xoolihiisa” adinkoo kaashanaya caalamka intii suurtagal ah. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Shirka Heerka sare ee oo looga hadlayo Amniga dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya  Madaxda Qaranka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Safiirrada dalalka shisheeye iyo Wakiillada Beesha Caalamka