Maxkamadda Sare Kenya oo ansixisay guusha Kenyatta

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay. Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay. Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraaga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari gudhaood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta.

Go’aankan ayaa waxa uu waddada u xaarayaa in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo. Maxkamadda oo la alkumay sanaddii 2010 ayaa taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaadacaan doorashadaasi kuceliska ahayd isagoo sheegay in guddiga doorashada uu diiday inuu sameeyo isbadel hubin lahaa in doorashadu ay u dhacdo si xaq iyo xor ah.