Maxay Ahayd Sababtii Uu Neymar Uga Tagay Barcelona

Ciyaaraha

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Neymar ayaa ku celiyay inuu go’aansaday inuu ka tago Barcelona xagaagan si uu uga caawiyo  kooxdiisa cusub ku guuleysiga Champions League.

Xiddiga heerka caalami ee reer Brazil ayaa si weyn looga yaabay markii uu ka tegay Camp Nou heshiis rikoorka adduunka ah bishii August ka dib markii qandaraaskiisa lagu burburiyay 198 milyan oo ginni.

Neymar ayaa ku bilowday qaab ciyaareed cajiib ah caasimada Faransiiska, isagoo dhaliyay afar gool, afar kulan xilli ciyaareedkan, waxaana uu haatan doonayaa inuu PSG ka caawiyo inay qaadaan Champions League.

“Mid ka mid ah sababihii ugu weynaa ee aan ku biiray PSG ayaa ahaa inaan ka caawiyo kooxda inay taariikhdu qorto,” ayuu u sheegay The Sun. “Champions League ma ahan koobkii kaliya ee aan dooneyno inaan ku guulaysanay – laakiin waa koob muhiim ah.

“Ujeedada xilli ciyaareedkan waa in aan isku dayno in aan ku guuleysto – taasina waa heerka kooxda haatan ay joogaan, waxaan rumeysanahay inaan awoodno inaan ku guuleysano tartanka, ma ahan kaliya inaan heysano tayada laakiin waxaan heysanaa khibrad – ciyaartoy yaqaana waxa ay u baahan tahay inay ku guuleysato Champions League. ”

Neymar iyo kooxdiisa PSG ayaa kulankooda ugu horeeya ee  xilli ciyaareedkooda Yurub, u safri doona kooxda Celtic habeenkii Talaadada.

W/Q Hafsa haji