Maxaa looga hadlayaa shirka Madasha Qaran ee Muqdisho ka furmay?

Wararka Maanta

Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa qodobada ugu waa weyn ee  looga hadlayo waxaa ugu weyn kuraasta aqalka sare ee gobolada Sool iyo Sanaag, Madaxda Maamulka Putland ay dood ka qaba 11 xubnood oo aqalka sare laga siiyey Somaliland, halka Maxamed Cumar Carte ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliyana uu ka biya diidanyahay arinkaas.

15356611_10211230104725432_3106101732106665867_n

Dhanaka Shirkan ayaa la filayaa looga ahdlo  go’aankii dhawaan ay soo saareen guddiga xalinta khilaafadka oo ay ku laaleen 11 kursi, iyadoo ay jirtay in khilaaf ka dhax aloosnaa guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiyada doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha JFS, Gudoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisulwasaaraha, Ra’iisulwasaare ku xigeenka, Madaxda Maamul goboleedyada iyo Xubno ka socda beesha caalamanka, waxaana  la filayaa inuu noqdo shirkii ugu dambeeyey ay yeeshaan Madasha wadatashiga hoggaanka Qaran, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in talada dalka ay la wareegaan barlamaanka cusub ilaa inta madaxweyne laga dooranayo.

 

Comments are closed.