Mareykanka:Waan baareynaa eedeynta Galmudug

Wararka Maanta

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Gobolada Mudug iyo Jubadda Hoose, kaasoo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen Ururka Al-Shabaab.

Hase ahaatee duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa muran weyn dhaliyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Mareykanka uu duqeeyay ciidamo ka tirsan Maamulla Galmudug.

Afhayeen u hadlay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka oo lagu magacaabo Jeff Davis ayaa sheegay in labo duqeyn oo todobaadkan ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Kismaayo lagu beegsaday Al-Shabaab.

“Waxaa Soomaaliya noo jooga koox tiro yar ah oo La taliyeyaal ah, kuwaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ka taageeraya dagaalka Al-Shabaab, 26-kii bishan September ayaa ciidamada Soomaalida iyo kuwa la taliyeyaasha Mareykanka waxaa soo weeraray Al-Shabaab, waxay sameeyeen weerar is difaacin ah, afar ruux ayayna ka dileen Al-Shabaab”ayuu yiri Jeff Davis oo tilmaamay in weerarkaas ka dhacay meel ku dhow Kismaayo

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in howl gal dhacay 28-kii bishan magaalada Gaalkayco, isagoo tilmaamay in howl galkaas ay hoggaaminayeen Ciidamada Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Soomaalida iyo La taliyeyaasha Mareykanka ay soo weerareen Al-Shabaab.

“Howl galka labaad wuxuu ahaa habeenkii 28-ka bishan September, waxay aheyd Gaalkacyo Puntland ee bartamaha Soomaaliya, wuxuu ahaa howl gal ay Soomaalida horboodayeen, oo ka dhan ah argagixisada, si looga hortago kooxda Al-Shabaab oo sameyneysay waxyaabaha qarxa, markii ay taasi sameynayeen koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo weerareen Ciidamada Soomaalida iyo koox la taliyeyaal Mareykanka, kwuaasoo halis geliyay nabadgelyadooda, Mareykanka wuxuu ku jawaabay duqeyn, waxaa ka dilnay 9 maleeshiyo”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka kama uusan hadlin weerarkii Gaalkacyo ka dhacay ay ku beegsadeen ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo in kale, hase ahaatee waxaa uu ku nuux nuuxsaday in weerarkaas ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab, kuna dileen 9 ka tirsan Al-Shabaab sida uu yiri

Wasiirka Amniga Cusmaan Ciise Taar-Dhuleed ayaa sheegay in weerarka ka dhacay duleedka Gaalkacyo uu ahaa mid warbixin qaldan ay bixiyeen Maamulka Puntland, isla markaana lagu dilay 20 ka tirsan ciidankooda, waxaa uu sheegay in weerarka ciidankooda lagu soo qaaday ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Puntland sida uu yiri.

Banaan bax looga soo horjeedo duqeynta lagu laayay Ciidamada Galmudug ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu gubay calanka Mareykanka.

Comments are closed.