Home » Ciyaaraha » Manchester United Oo Real Madrid Kula Dagaalami Doonta Neymar. Date :December 1, 2017 Author :Hafsa Haji

Manchester United Oo Real Madrid Kula Dagaalami Doonta Neymar.

Manchester United ayaa tartan la gali doonta Real Madrid kaasi oo ku aadan saxiixa Neymar, sida laga soo xigtay warbixino.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan kubada cagta xagaagan markii uu 200 milyan oo ginni uga soo wareegay kooxda Barcelona isagoo ku biiray Paris Saint-Germain.

Inkastoo uu saameyn weyn ku yeeshay PSG – wuxuu dhaliyey sagaal gool isla markaana caawiyay lix kulan oo ka tirsan Ligue 1 ilaa iyo haatan – waxaa la rumeysan yahay in 25 jirkaan uusan ku faraxsanayn noloshiisa cusub, taasoo soo jiidatay xiisaha loo qabo meelo kale.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay tahay suurtogalnimada ciyaaryahanka reer Brazil Neymar, inkastoo uu horey ugu soo ciyaaray Blaugrana, laakiin Daily Mail ayaa sheegeysa in Jose Mourinho uu sidoo kale isha ku hayo weeraryahanka reer Brazil.

Manchester City ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso ciyaaryahanka, kaasoo qandaraaska uu kula joogo Parc des Princes uu ku egyahay 2022

102 total views, 3 views today

Aragtidaada ka dhiibo