Manchester United Oo Henrikh Mkhitaryan Ku Qasbaysa Hishiiska Arsenal

Ciyaaraha

Henrikh Mkhitaryan ayaa lagu qasbay in saaxiibadiisii ay isku kooxda yihiin uu macsalaameeyo garoonka tababarka Manchester maanta.

Mkhitaryan, oo 28 sanno jir ah, ayaa la filayaa inuu ku biiro Arsenal si uu u bedelo Alexis Sanchez maalmaha soo socda, iyadoo xidiga reer Armenia uu hoos u dhacaywaqtigiisa xilli ciyaareedkan ee Old Trafford.

Mino Raiola ayaa ka shaqeynayay sidii uu u dhameystiri lahaa heshiiska Arsenal ee Mkhitaryan, laakiin waxay u muuqataa in ciyaaryahanka khadka dhexe uu jeclaan lahaa inuu sii joogo United inta ka dhiman xilli ciyaareedka 2017/18.

Daily Mail ayaa soo jeedineysa inuu ku ilmeeyay xirada tababarka kooxda ee Carrington galabnimadii jimcaha ka dib markii uu tababarkii u dambeyay la qaatay saaxiinadiisa Red Devils.