Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa galabta u ambabaxay Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya, Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Duraan Faarax oo ah gacan yaraha Xaaf.
Madaxweyne Xaaf ayaa ka qeyb gali doona shir Madaxda Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin kale ku leeyihiin dalka Kenya, hore waxaa Nairobi u tagay Cabdi Wali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Shariif Xasan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.
ilo xog-ogaal ayaa sheegaya in Madaxdan ay isugu yeereen imaaraatka Carabta, oo Madaxda Maamul goboleedyada ka taageeraya iska caabinta Dowladda Dhexe. sidoo kale waxa ay uga arinsanayaan doorashooyinka kusoo food leh.
Dhanka Kale Barlamaanka Ahlu Sunna ayaa la filayaa in ay beri doortaan Gudoomiye, waxaana arintaan ka dhigan tahay in garabka Dusmareeb ay howshoodii sii wataan, iyagoo dhagaha ka fureystay baaqii Aqalka Sare.