Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo dhagaxdhigay dhismaha xaafad cusub

Wararka Maanta

Xaafaddan cusub oo lagu magacaabi doono Kismaayada Cusub (New Kismayo) ayaa waxaa loo dhisi doona hab casri ah, ayadoo la qaabeeyn doono wadooyinkeeda iyo hab dhismeedkeedaba, waxaana mashruuca dhismahan fulineeysa shirkad lagu magacaabo Milestone oo fadhigeedu yahay dalka dibaddiisa.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamanka Jubbaland, madaxda maamulka degmada Kismaayo iyo kan gobolka J/hoose ayaa waxa uu dhagaxdhigay dhismaha xaafadda cusub ee lagu soo kordhin doono magaalada.

Nuux C/wahaab Max’ed oo kamid ah masuuliyiinta shirkadda dhismaha fulineeysa ayaa sheegay in xaafaddan cusub loo dhisi doono hab waafaqsan shuruucda dhismaha magaalooyinka ee caalamiga ah, islamarkaana ay noqon doonto xaafad nidaamka oo hab qorsheeysan loo dago.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan ayaa sheegay in xaafaddan cusub ay qeyb ka tahay horumarrada ay ku talaabsaneeyso dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo xusay in xaafaddan la dhagaxdhigay ay noqon doonto mid ay xaq u yeelan doonaan in ay soo dalbadaan muwaadiniinta reer Jubbaland meelkasta oo ay joogaan.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in magaalada Kismaayo oo qeybo badan oo kamid ah la iska dagay islamarkaana aan lahayn wadooyin iyana lagu sameeyn doono dib u habeyn.