Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Hanbalyada Ciidda diray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmuudg Maxamed Xaashi Cabdi ayaa shacabka Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa.

‘Hambalyo ayaan leeyahay dhammaan Shucuubta caalamka ee u dabaal-dagayo munaasabadda Ciidul-Adxa oo berri ku beegan. Gaar ahaan shacabka dowlad goboleedka Galmudug waxa aan leeyahay farxad iyo caafimaad ku ciida”.

Muslimiinta Dunida ayaa beri u dabaal dagaya Maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ayaa caawa hawada isku marinaya hanbalyada Ciidda, inkastoo la sheegayo in meelaha khilaaf ka jiro in beri la ciidayo, gaar ahaan qaar ka mid ah magaalooyinka Galmudug ayey suurtagal tahay inaan beri la ciidin.