Madaxweyne Farmaajo oo safar aan la shaacin ku tagaya Turkiga

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudand Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta la filayaa inuu u safro Dalka Turkiga.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha uu maanta booqasho rasmi ah ku tagayo Dalka Turkiga.

Booqashadan oo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay ujeedadeedu tahay ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto sii xoojinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka walaacsan doorka fir fircoon ee Imaaraadku ku leeyahay Gobolka waxaana dalal badan oo ay ugu horreeyaan Turkiga iyo Imaaraadka ku tartamayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen Soomaaliya.

Imaaraadku waxaa uu Soomaaliya ka taageeraa tababarka Ciidamada Milataraiga iyo dhinaca Caafimaadka,halka Turkiga uu Soomaaliya ka taageero kabidda Miisaaniyadda dowladda Federaalka ah,dib u dhiska hay’adaha dowliga ah,Dhismayaasha Waddooyinka, Waxbarashada iyo amniga.

Waa booqashadii 5aad ee Madaxweynuhu ku aado dibadda, taas ka hor imaanaysa balantii doorashada ee aheyd inuusan noqon doonin sidii madaxdii ka horeysay, oo lagu eedeynayey tira badnida safarada dibada ah.