Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Rugta Ganacsiga

Wararka Maanta

Madaxweyne Soomaaliya iyo rugta ganacsiga oo isku Afgartay in loo Gurmado Dadka Abaaruhu Samaeeyeen

FB_IMG_1486926605581

Waxaa Xarunta Rugta Ganasiga ee Magaalada Muqdishi Shir Jaraaid ku qabtey Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga mudane Cabdi Abshir Dhoore waxaana Shirkaas Jaraaid Ujeedkiisu ahaa faahfaahinta Kulan ay Ganacsato Soomaaliyeed oo uu hogaminyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdikariim Maxamuud Gabayre la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“ Kulanka Balaaran ee aan la yeelaney Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa Rugta Hogaaminayey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Cabdikariim Maxamuud Gabeyre, waxaana la iskula soo qaadey Laba arrimood “ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Mudane Cabdi Abshir Dhoore oo intaa raaciyey
“Labada Ujeedo ee aan Madaxweynaha isla sooqaadnay waa sidii Ganacsata uga qayb qaadan lahaayeen Abaaraha Dalka ka jira ee Saameeyey dad iyo Duunyo sidoo kale waxaan isla soo qaadnay Sidii Ganacsatada uga qayb qaadan lahaayeen Dib u dhiska Dalka iyo sidii ay u fududeyn lahaayeen Ganacsatada sidii Wadanka loo maalgashan lahaa”.

Mudane Cabdi Abshir Dhoore waxaa uu sheegey in Kulankii ay la qaateen Madaxweynaha ay si weyn isugu afgarteen Qodobadii la islu soo qaadey oo ay u Xoog badnaayeen arimaha abaaraha iyadoo Rugta Ganacsigu ay Madaxweynaha u balan qaadeen in la sii wado kaalmada iyo Caawinaada Dadka iyo Duunyada ay Abaaruhu saameeyeen .
Ganacsatadii ka qayb gashey Kulankaas ayaa soo dhoweeyey doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajowaxayna ka codsadeen in uu soo xulo Raiisul Wasaare shacabka Soomaaliyeed ka samatabixiya Dhibaatooyinka is biirsadey , waxaana uu Kulankaas uu ku dhamaadey sidii loogu tala galey