Sida dhawaan laga siidayay warbaahinta rasmiga ah ee dowlada Soomaaliya Radio Muqdisho, SNTV iyo SONNA wuxuu Madaxweyne Farmaajo dalka ku soo celiyay muwaadiniin soomaaliyeed oo u badanaa dumar kuwaasi ku dhibaateysnaa dalka Saudi-ga
Arintaasi oo aheed been abuur aan sal iyo raad laheen abuurtayne in bulshada Soomaaliyeed ee isticmaasha baraha bulshada iyo waliba dowlada Saudi-ga wax iska weydiiyaan sida arintaasi uga suurowdo Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo
Sida ilo diblomasiyadeed xaqiijiyeen dowlada Saudi-ga ayaa u saartay gudi isugu jira diblumaasiyiin iyo sharciyaqaano dib u baara sheegashada Madaxweynaha ee caawinaadi Saudi-ga u fidisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay ugu kireysay diyaarado geeya dalkoodi balse lagu abaal dhacay wanaagoodi
Waxaana inta baaritaanka Socday lagu ogaaday uu arinkaasi ka dambeeyay Qunsul ka Soomaaliya ee Jeddah ilyaas Sheikh Omar oo dano gaar ah ka laahaa is uu sumcad ugu yeelo Madaxweynaha balse ka baxay xeen daabki diblomasiyadeed una adeegsaday wariyaashi Qaranka dariiq aan habooneen
Safiirka Dowlada Saudi-ga ee Kenya sidoo kalane u qaabilsan Soomaaliya ayaa si aad ah uga carooday kuna tilaamay arinkaasi mid dalkiisa loogu gafay la isku lana xisaabtamidoono
Dowlada Saudi-ga ayaa tahriibayaasha soomaalida ah ka bixineysay mudo sano badan ah ticket ka diyaaradaha maadama aysan awoodin ama aysan jirin dowlada ku celisa dalki waxaana wadamada kale laga qaadaa lacagta dib u celinta muwaadiintooda ku baxdo
Xiririka 2 dal ayaan wanaagsaneyn tan iyo marka oo xilka qabtay Madaxweyne Farmaajo oo sida la aaminsan yahay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo dowlada Qadar mana cada tilaabada ay qaadi doonto dowlada Saudi-ga
Dhanka madaxtooyada Soomaaliya ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay ee la xariirta wararka ay baahisay warbaahinta Qaranka walina lagu soo qorin mareegta Villa Somalia