Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado Eedna u Jeediyay Madaxda DFS

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu labatay magaalada Cadaado, halkaasoo Xildhibaano, Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ku soo dhoweeyeen.

Madaxweyne Xaaf oo ka soo kicitimay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa diyaaradii uu saarnaa ay ka dejisay magaalada Hargeysa, waxaana halkaas uu saacado ku ahaa Transit Wararka ayaa sheegaya in diyaarad qaas ah uu ka soo qaaday Hargeysa, taasoo ka dejisay magaalada Cadaado.

Madaxweyne Xaaf oo wariyeyaasha la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay carqaladeyso diyaaradii ka qaadi laheyd Hargeysa waxuuna sheegay in madaxda sare ee Federaalku is dayeen inay hor istaagaan safarkiisa balse dadaal dheer kadib ay ku guudaraysteen arintaa.

Xaaf oo wajigiisa ay ka muuqatay caro ayaa si kulul u sheegay in dad ka shaqaynaya burburinta Galmudug ay ku soo wajahan Cadaado waa suu hadalka u dhigaye waxuun shacabka kula dardaarmay inay ka digtoo naadaan hagar daamadaas

Dib ugu laabashada Cadaado ee Madaxweyne Xaaf ayaa ku soo aaday, iyadoo uu jiro khilaaf u ka dhashay go’aankii uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Carabta, waxaana go’aankaas ka soo horjeestay Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo an maanta ka qayb qaadan soo dhawayntiisa.

Ugu danbayntii soo waxaa sii xoogaysanaya Khilaaf Madaxda Federaalka iyo Madaxwayne Xaaf iyo kan Madaxda sare Galmudug kadib go’aankii Xaaf ku taageeray Xulufada Sacuudiga

Hoos ka Daawo Sawirada

 

 

Ceelhuuronline