Home » Wararka Galmudug » Daawo: Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo oo Cadaado ka dhacay Date :January 12, 2018 Author :admin 873 views

Daawo: Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo oo Cadaado ka dhacay

Dibadbaxayaal careysan ayaa isugu baxay bartamaha magaalada Cadaado, dadkan ayaa ku dhawaaqayey erayo ay uga soo horjeedaan Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Ducaale Xaaf.

Sawirada musuuliyiintan ayaa lagu jeexjeexay goobta, waxaana dadku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu Cadaado ka doorbiday magaalooyin kale, isagoo kaliya joogi doona 2 saacadood. taas oo ay aad u saluugeen bulshada deegaanka.

dhanka Bulshada ayaa sidoo kale ku dhaliilay Madaxweynaha Galmudug inuu iska dhagatiray tabashada bulshada Cadaado. halkaan hoose ka daawo muuqaalka.