Madaxweynaha Galmudug oo Gudoomiye Cusub u magacaabay gobolka Galgaduud

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ay heshay ceelhuur.com ayaa waxaa gudoomiyaha gobolka Galgaduud loogu magacaabay Mudane Maxamed Cali Cilmi.

Wareegtadan ayaa ku taariikhsneyd 10 Janaayo 2017, waana markii ugu horeysay ee Maamulka Galmudug Gudoomiye u magacaabo gobolka Galgaduud, Wareegtadan ayaa ku soo aadaysaa xili ay Galmudug wajahayso qalqal siyaadeed, waxaana loolan siyaasadeed ka dhex aloosan yahay Madaxweynaha iyo Golaha Barlamaanka.

Halkaan ka akhriso wareegtada

15992022_10206725341290964_739350408_o