Madaxwayne Xaaf oo Muqdisho soo gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug waxaa Garoonka Diyaaraha ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxa uu uga qeyb galay wada hadalka Galmudug iyo Ahlusuna, kaasi oo maalmo ka socday halkaasi, waxaana laga soo saaray heshiis horudhac ah.

Madaxweyne (Xaaf) ayaa ku biiraya shirka Amniga, kaasi oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho waxaana looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo kobcinta dhaqaalaha