Madaxwayne Farmaajo oo u Ambabaxay Dalka Uganda

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Maanta waa uu u Ambabaxay Caasimadda dalka Uganda ee Magaalada Kampala.

Madaxweynaha ayaa dalkaas waxa uu uga qeybgeli doonaa shir ay halkaasi ku leeyihiin qaar ka mid ah madaxda wadamada Qaarada Afrika,waxaana sidoo kale uu la kulmi doonaa Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Bishaan kaliya safarkii Saddexaad dalka uga ambabaxay,waxaana safarka uu ku tagayo dalka Uganda uu kusoo aadayaa xilli shalay Madaxweyne Yuweri Museveni  uu ku hanjabay in uu Soomaaliya kala baxayo Ciidamadiisa hadii la dhimo tirada hadda ka joogta.

Sidoo kale Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni  ayaa tiro laba jeer ah waxa uu hadalo xanaf ah ku tilmaamay Soomaaliya taas oo dad badan ay ka caroodeen, hayeeshee Madaxda Dowladda aysan wax jawaab ah ka bixin.