Madaxwayne Farmaajo oo kusii jeedaa Ivory Cost

Wararka Maanta

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya dalka Kenya wuxuu ku sii jeedaa dalka Ivory Cost, halkaasi oo uu kaga qayb galaayo Shir caalami ah.

Shirka Madaxweynaha uu kaga qaybgalaayo dalka Ivory Cost ayaa wuxuu u dhaxeeya Afrika Iyo Yurub, wuxuuna sanadkaan ka dhacaya dalkaasi Ivory Cost.

Shirkaan ayaa looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan xiriirka Labada qaaradood, waxaana sidoo kale waxyaabaha looga hadli doono shirkaan ka mid ah xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in shirkaan uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneyso, kagana hadli doono xaaladda dhaqaale, amni iyo midda siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliya oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa lagu wadaa isaga iyo wafdigiisa inay u kicitamaan dalkaasi Ivory Cost, si ay uga qayb galaan Shirkaasi