Kulan looga hadlayay adkaynta ilaalinta Xeebaha Dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Wararka Maanta

Aqoon is weydaarsi looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis ah oo awood u leh ilaalinta Xeebaha Dalka, ka hortagga Tahriibka, isku socodka kooxaha Argagaxisadda iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta ilaalinta Xeebaha Dalka, maamul Goboleedyada, wakiillo ka socda Dowladaha Soomaaliya ka taageera Boliiska, UNSOM, UNPOL iyo AMISOM.

Isku duwaha Xafiiska Ciidanka ilaalinta Xeebaha ee Wasaaradda amniga, Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta Xeebaha Dalka, Ciidanka la unkayana uu wax weyn ka tari doono ka hor tagga dembiyada ka dhaca Badaha Soomaaliya.

Taliyaha laanta ilaalada Xeebaha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, G/dhexe, Bashiir Cabdi Isaaq, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo aas-aaska Ciidan Boliis oo awood u leh difaaca iyo ilaalinta Xeebaha Dalka, wuxuuna intaa raaciyay in halistii xagga berriga ay ku biirtay dhibaato kale oo ka jirta dhanka Badda, taas oo u baahan in wax laga qabto.

Isha: Sonna