Khayre oo kulan Xasaasi ah iskugu yeeray Golahiisa Wasiirada

Wararka Maanta

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah yeelanaya shir deg deg ah, iyadoo Wasiirada lagu wargeliyay in shirka isugu yimaadaan 10-ka subaxnimo ee saaka.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in xalay Wasiirada fariimo loogu sheegay in kulan deg deg ah ay ka soo qeyb galeen, inkastoo aan loo sii sheegin ajandaha shirka oo xilliyadii hore si horudhac ah loogu sii wargelin jiray.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulanka deg dega ee Golaha Wasiirada oo ku soo aaday xilli xasaasi ah, oo dowladda Federaalka ay wajaheyso xaalado ka dhashay dhacdooyinkii Bariire iyo dhiibiddii C/kariin Qalbi Dhagax.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali wax jawaab ah ka soo saarin dhacdadii Bariire, inkastoo uu dhacay is afgarad dhex maray dowladda iyo odayaasha ka soo jeeda dadkii lagu dilay Bariire, kaasoo sababay in la aaso meydadkii la diidanaa in la aaso markii jahwareer uu ka dhashay cida leh mas’uuliyada weerarkii Bariire.

Sidoo kale Xukuumadda iyo Madaxtooyada ayaa wali ka hadlin arrinta C/kariin Qalbi Dhagax oo todobaad ka hor loo gacan geliyay Itoobiya, waxaana tallaabadan ka dhalatay buuq siyaasadeed iyo cambaareyn ka timid Xildhibaano iyo siyaasiyiin.

Dad badan ayaa ka war dhowraya go’aanka Xukuumadda Soomaaliya ka qaadan doonto xaaladaha is biirsaday ee xilligan gil gilay siyaasadda dowladda iyo quluubta shacabka Soomaaliyeed.

 

@Jowhar.com