Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii ururka Al-shabaab ay ka geysteen afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir.
Waxa uu tacsi u diray Khayre dhammaan dadkii ku dhintay weerakan, waxana uu EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka Shabaab ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Al-Shabaab in ay yihiin cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay marwalba shacabka u gaarsadaan.
Mudane Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Al-Shabaab waa naflacaari u soo jeestay inay shacabka isku qarxiyaan oo ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana inaan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa, Waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba’iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan wallaal.”
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku jirta Shabaab inay ka faa’iideystaan fursada Cafiska oo uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey si ay dib u dhiska dalkooda uga qeyb qaataan, wuxuuna sheegay Dowlada in ay u ballanqaadeyso dhalinyaradaas in ay helaan waxbarasho, daryeel iyo sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.