Kenya Oo Laga Yaabo Inay Ka Baxdo Dacwaddii Muranka Xuduud-Baddeedka Kala Dhexeya Somalia

Wararka Maanta

Wargeyska The East African ee ka soo baxa Nairobi ayaa isweydiiyey in laga yaabo inay Dowladda Kenya ka baxdo Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka kala dhexeeya Somalia ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Wargeyska waxa uu qoray inay Kenya ku guul-daraysatay inay dalalka Deriska iyo Beesha Caalamka helaan Xal Saaxiibtinimo oo lagu xalinayo Khilaafka Xuduud-baddeedkaasi.

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegaya inay Dowladda Kenya haatan  isku tijaabinayso inay DFS dib uga laabato Dacwadda taalla Maxkamadda ICJ, si ay ugu qanciso xal ay labada dal ku wadaagayaan Horumarinta  kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska.

Ilo kale ayaa sheegay inay Dowladda Kenya ku cadaadinayso Somalia inay dib uga laabato Khariidadii ama Maabkii lagu soo bandhigay magaalladda London ee lagu xaraashayey Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska.

Si kastaba, DFS wey diiday inay la wadaagaan Khariidada Xuduud-baddeedka lagu dagaalsan yahay.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxaa lagu hayaa cadaadis si ay u soo celiso Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Somalia, kadib, markii ay cayriyeen Safiirkii Somalia, isla markaana ay u yeereen Safiirkii ka joogay Somalia.

Booqashadii Madaxweyne Farmaajo Talaadadii hore ku tegay Nairobi iyo Kulankii uu la yeeshay Uhuru Kenyatta iyo Abiy Ahmed ayaa waxay noqdeen kuwo lagu guul-daraystay, iyadoo aan xal laga gaarin Muranka Xudduud-baddeedka.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya waxay keliya oo ay ku heshiiyeen ayaa ahaa in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo in la dejiyo xiisadda.

Xigasho: The East African, NBI.