Kenya oo dalbatay in dib loo dhigo dhagaysiga kiiska dacwada badda ee soomaaliya kala dhexeeya

Wararka Maanta

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, kaasoo lagu wado in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay bilowdo 9-ka bishan.

Sida uu qoray wargeyska Dailynation ee ka soo baxay dalka Kenya, dowladda Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in waqti ay ku qoroto qarreeno cusub.

Warar dhinaca diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Kenya ay qabto dareen ku aadan in looga guuleysanayo dacwadaas, isla markaana uu fashil ka soo gaari doono damaceeda Badda Soomaaliya, sidaasna ay dooneyso in loo hakiyo, si ay u sameyso wada xaajoodyo meelo kale ay u marto.

Hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa diidan in dib loo dhigo dhageysiga dacwada, waxaana ay qorsheysay in wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ay u dirto magaalada Hague, si ay goobjoog uga noqdaan dhageysiga dacwada Badda oo qorshuhu yahay inuu bilowdo 9-ka bisha, isla markaana soo gabagabowdo 13-ka bishan.

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay dacwad ka gudbisay Kenya sanadkii 2014, waxaa meesha ka baxayay isku day kasta iyo sheegashada Kenya ee dhul badeedka Soomaaliya oo ay dooneyso in wada hadal kala furto dowladda Soomaaliya, hase ahaatee Maxkamadda ICJ ayaa bishii February ee sanadkii 2017 go’aan ku gaartay inay qaadi karto dacwadan, oo aheyd sidii ay rabtay dowladda Soomaaliya oo ahaa in Maxkamadda Caalamiga lagu kala baxo.