Kaxda oo mashaariic hormarineed laga dhagax dhigay

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc degmada Kaxda oo looga dhisayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinayo Iskuul ay carruurta si bilaash ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto.

Mashaariicdan la dhagax dhigay waxaa ka warbixiyay Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed.

Guddoomiye kuxigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow waxa uu tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib u dhiska Caasimadda.