Jubbaland oo heegan galisay Ciidamo la Dagaala Al-Shabaab

Wararka Maanta

 Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in Al-Shabaab kula dagaalamaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, iyadoo heegan buuxa la geliyay dhamaan ciidamada kaga sugan deegaanada Jubbooyinka.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo la hadlayay Ciidamo tababar loogu soo xiray Gedo ayaa sheegay inay isu diyaariyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shababa, isla markaana ay madaxda diyaar u tahay inay hoggaamiso.

C/rashiid Janan ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan dagaal saf ballaaran oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ku sugan yihiin.

“Amarkii Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa la fulinayaa in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland.

Dhinaca kale Ciidamo Itoobiyaan ah oo saacadihii la soo dhaafay ka soo gudbay xuduuda Gobolka Gedo ayaa la sheegayaa inay u ruuqaansadeen deegaano ka mid ah Gobolka Baay.

Ciidamadan oo gaaraya illaa 2 kun askar ayaa ku hubeysan gaadiidka dabaabaadka, waxaana qorshahooda yahay inay ka qeyb qaataan howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab.