Jamhadda ONLF Oo U Guureysa Magaalada Jig-Jiga

Wararka Maanta

Ururka ka dagaallama Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay ka soo guurayaan Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea.

Hoggaanka ONLF ayaa sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada ONLF ee ku sugan Asmara diyaarado looga soo qaadayo Magaalada Asmara lana dejinayo Magaalada Jigjiga ee  caasimadda Ismaamulka Soomaalida.

Isniintii shalay ayuu Afhayeenka Ururka ONLF  xaqiijiyay in maalinta Arbada ah ee Berri ah ay Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada ONLF u soo wareegayaan Magaalada Jigjiga halkaas oo noqon doonta xafiiska ay ka howlgalayaan.

Dhawaan ayey dowladda Itoobiya iyo ONLF gaareen heshiis buuxa kaas oo lagu sameeyay Guddi isku dhaf ah,waxaana qodobada lagu heshiiyay ka mid ahaa in ONLF ay noqoto Urur  Siyaasadeed ujeeddooyinkiisa ku gaara hab nabadeed hubkana dhigaan.

Dhinaca dowladda Itoobiya waxaa ay Ururkan iyo kuwo la mid ahaa ka saartay liiska Ururrada Argagixisada ah ee ku jiray diiwaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee dhexmaray Madaxda Itoobiya iyo Ururka ONLF dhinaca Dowladda Itoobiya waxaa hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda Workneh Ghebeyehu, kaas oo dowladda u saxiixay heshiiska dhinaca Ururka ONLF waxaa heshiiskaas u saxiixay Hoggaamiyaha  Ururka Admiral Maxamed Cumar Cismaan, heshiiskaas oo lagu kala saxiixday magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea.