James swan ka Qaramada midoobay oo kismaayo gaaray iyo wadahadala Jubaland…

Wararka Maanta

Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland, halkaasoo uu wada hadalo kula leeyahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Booqashada Mr Swan oo ahaa mid horay u qorsheysneyd ayaa ah socdaal uu ku marayo xarumaha Maamul goboleedyada, ugana kuur galayo xaaladaha siyaasadeed, iyadoo wadatashiyo la yeelan doono Madaxda dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in Mr Swan uu kala hadli doono Madaxweynaha Jubbaland xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashadii ka dhacday Kismaayo, xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo ay dooneyso inay isugu keento dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo dowladda Federaalka oo la qorsheynayo in dhowaan wada hadalo rasmi ah bilowdaan.

Booqashada Mr Swan ee Kismaayo ayaa calaamad u ah aqoonsiga Beesha Caalamka ee doorashadii Axmed Madoobe oo kol hore dowladda Federaalka ay qaadacday.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.